Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dibadbaxyo rabshado watay oo mar kale ka qarxay Kenya


Bannaanbaxa Kenya
Bannaanbaxa Kenya

Dalka Kenya, Talaadadi shalay waxaa mar kale dib u bilowday bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda, kuwaas oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah.

Degmada Kitengela, ee nawaaxiga koofureed ee magaalada Nairobi, booliska ayaa si xiriir ah rasaas ugu riday jihada boqollaal qof oo mudaaharaadayay, sida uu xaqiijiyay wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters. Dadka qaar ayaa iyaguna dhagxaan ku tuurayay booliska, halka kuwo kalana ay gubayeen taayarro.

Wakaaladda wararka Rueters ayaa ku warrantay in deegaanka Kitengela lagu dilay qof ka mid ahaa dadki mudaaharaadka dhigayay. Hase yeeshee booliska oo arrintaasi wax laga weydiiyay ayaanan bixin wax jawaab ah.

Bannaanbaxyada oo ay horboodayeen dhalinyaro ayaa marki hore ku billowday si nabad ah, balse marki danbe isu baddalay rabsho, sida ay xaqiijiyeen dad goob-joog ah. Dadka bannaanbaxa dhigayy ayaa ruxayay calanka Kenya kuna qeylinayay "Ruto ha baxo!"

Meelaha kale ee ay iskudhacyada booliska iyo kooxaha mudaaharaadka dhigayay ay ka dhaceen ayaa waxaa ka mid ahaa, bartamaha Nairobi, halkaas oo ay ciidanka booliska adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiisa.

Wariyaasha ayaa sheegay in dhowr qof lagu dhaawacay isku hor-imaadyada booliska iyo bannaanbaxayaasha ee Nairobi.

Bannaanbaxyo kuwan la mid ah oo Kenya ka dhacay bishi hore ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof, halka ay ku dhaawacmeen boqollaal kale.

Dibadbixi shalay ayaa imanaya saddex todobaad kaddib marki uu madaxweynaha Kenya, William Ruto uu 26-ki June ka laabtay qorshihiisii canshuur kordhinta qaran.

Madal

XS
SM
MD
LG