Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika


Maraykanka ayaa dhiirigeliyay “horumarka sii kordhaya” ee laga gaarayo dadaallada nabada iyo dib u heshiisiinta ee Itoobiya, 20 bilood ka dib xabbad joojintii ka hirgashay gobolka waqooyi ee Tigray, sida uu sheegay sarkaal sare oo Maraykan ah.

Bishii November sannadkii 2022-kii, dawladda Itoobiya iyo hoggaamiyeyaasha gobolka Tigray ayaa gaadhay xabbad-joojin, loo yaqaan Pretoria Agreement ama Joojinta Colaadda, ka dib dagaal sokeeye oo laba sano socday kaas oo burburiyey inta badan waqooyiga Itoobiya.

Mike Hammer, oo ah ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika, ayaa VOA u sheegay toddobaadkan in Itoobiya ay ku socoto “jihada saxda ah.” Waxa uu xusay in dadkii ka barakacay gudaha dalka ay billaabeen in ay dib ugu laabtaan guryahoodii, xad gudubyadii ka dhanka ahaa xuquuqul insaanka ee gobolka Tigray-na ay si weyn hoos ugu dhaceen.

Balse waxa uu qiray in ay sii socdaan colaadaha ka taagan gobollada Axmaarada iyo Oromiya, isaga oo sheegay in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu taageero dadaal kasta oo lagu nabadeynayo deegaannadaas iyada oo loo marayo wadahadal.

Hammer ayaa toddobaadkii hore u safray Itoobiya si uu uga qayb galo shirkii labaad ee Midowga Afrika ee dib u eegis ku sameynaya dhaqangelinta heshiiskii Pretoria.

Wareysiga waxaa Mike Hammer la yeelatay Nike Chin goo ka tirsan VOA. Waxa wadajir inoogu soo jeedinaya Cabdixakiin Maxamuud Shirwac iyo Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Wareysi: Ergeyga gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Geeska Afrika
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:11 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG