Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ruushka oo madaafiic ku garaacay Kharkiv 


Aftermath of a Russian missile attack in Kharkiv
Aftermath of a Russian missile attack in Kharkiv

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay, in weeraro is xig-xigay oo ay ciidamada Ruushka ku bartilmaameedsadeen magaalada Kharkiv ee waqooyibari ee Ukraine, lagu dilay ugu yaraan 3 qof halka ay ku dhaawacmeen lix kale.

Kharkiv oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Ukraine ayaa ka mid ah meelaha ay sida joogtada ah duqeymaha cirka la eeganayeen ciidamada Ruushka, tan iyo marki uu billowday dagaalka uu madaxweyne Putin ku qaadday Ukraine, bishii Febrayao ee sannadki 2022-ki.

Booliska ayaa sheegay, in duqeynti Arbacadi lagu beegsaday degmada Lozova ee koofurta Kharkiv, lagu dilay saddex qof, iyadoo ay wali socdaan howlaha gurmadka ah.

Waxaa sidoo kale weerarkaas uu burburiyay dhisme ay ku shaqeyso hey’ad NGO ah oo laga leeyahay dalka Switzerland, inkasta oo ay saraakiishu sheegeen in aysan cidna wax ku noqon.

Duqa magaalada Kharkiv ayaa sheegay in sidoo kale ay dhaceen ilaa shan duqeyn oo cirka ah oo ay ciidamada Ruushka xalay ku garaaceen qeybo ka mid ah Kharkiv iyo deegaannada ku hareereysan.

Madal

XS
SM
MD
LG