Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warar been abuur ah oo sii huriyey xiisad ka dhalatay 'weerar mindi loo adeegsaday' oo ka dhacay Ingiriiska


Britain Children Stabbed
Britain Children Stabbed

LONDON - Weerar tooray loo adeegsaday oo ka dhacay woqooyiga galbeed ee England, oo lagu dilay saddex habool oo yaryar, halka caruur kalena lagu dhaawacay, ayaa saacado yar uun ka dib markii weerarkaasi dhacay, waxaa baraha bulshada qabsaday, magac been abuur ah oo aan ahayn kii weerarka geystay.

Waxaa weerarkan si khaldan loogu eedeeyey, in cidda weerarka geysatay inuu ahaa qof magangelyo doon ah oo dhowaan soo galay dalka Britian, iyada oo dhinaca kalena lala xidhiidhiyey muslimiinta.

Waxaana wararkaas been abuurka ahi ay dhaliyeen inay bilaabmaan debedbaxyo rabshado wata, xilli ay dadka isu soo baxay iyo boolisku ay isku dhaceen, barxadda hore ee masaajid weyn oo halkaas ka agdhowaa.

Booliska ayaa sheegay in magaca lagu baahiyey baraha bulshadu uu ahaa mid been abuur ah, sidoo kale waxaa jiray warar ku tiri ku teen ah oo sheegaya in qofka magaciisa la wareejinayey baraha bulshada oo loo tirinayey inuu ka dambeeyey weerarkaasi, inuu ahaa 17 jir magangalyo doon ah, oo dhawaan soo gaaray dalka Britain.

Dembi-baarayaasha ayaa sheegay in qofka rasmiga ah ee dilkan loo haysto ee dacwadaha lagu soo oogay in uu ku dhashay dalka UK balse aanu ahayn qof ajnebi ah. Warbaahinta waaweyn ee Ingiriiska oo ay ku jirto BBC-da ayaa sheegay in waalidka eedaysanuhu inay ka soo jeedaan Rwanda.

Xogtaas ka soo baxday dembi baadhayaashu, waxyar uun bay ka tartay inay xaaladda qaboojiso, hase ahaatee kooxaha midigta fog ayaa dhacdadan u adeegsanaya inay ku eedeeyaan muhaajiriinta iyo muslimiinta.

Xildhibaan ka tirsan golaha deegaanka Patrick Hurley ayaa sheegay in natiijada ka dhalatay wararkaas been abuurka ah ee la faafiyey inay ahayd "boqolaal qof oo isaga kala yimi qaybaha magaalada, halka qaarkood ay ka yimaadeen meelo ka baxsan xaafadda uu dilku ka dhacay, iyaga oo doonaya inay dhibaato geystaan - waxaana taas keenay inay aamisan yihiin wixii ay ku arkeen baraha bulshada, taasoo keenaysa kala qaybin bulsho" ayuu yidhi.

Madal

XS
SM
MD
LG