Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin guud oo ka hadlaysa ciyaaraha Olympics ee ka socda Paris


Swimming - Women's 4x100m Medley Relay Victory Ceremony
Swimming - Women's 4x100m Medley Relay Victory Ceremony

Caasimadda dalka Faransiiska ee Paris waxaa ka socda ciyaarihii Olombikada (Olympics), kuwaas oo sannadkan ku soo beegmay, xilli ay caalamka ka jiraan xiisado siyaasadeed oo aad u cakiran.

Masuuliyiinta Faransiiska ayaa ku bixiyey illaa $1.5 billion oo dollar, sidii loo nadiifin lahaa webiga Siene River ee dhex mara magaalada Paris, kaas oo ka mida goobaha loo isticmaalayo tartanada kala duwan ee dhacaya inta ay socdaan ciyaarahani.

Tartankan waxaa ka qayb galay in ka badan 10,000 oo ciyaaryahano ah oo kala metelaya dalalka caalamka. Qaar ka mida dalalka caalamka ayaa soo qaadanaya qaboojiyayaashooda iyo agabka kale ee ay u baahan yihiin xubnaha metelayaa, maadaama dalka Faransiisku uu ku jiro meelaha sida weyn ula dagaalamaya wasakhawga hawada.

Tartanada dhacay iyo abaalmarinada la bixiyey waxaa calanka u sida marka la isku daro dalka Maraykanka oo helay guud ahaan 72 abaalmarinood, oo isugu jira 19 billadood oo dahab ah, 27 qalin ah iyo 26 kale, halka dalka Shiinuhu uu kaalinta labaad ku jiro oo uu haysto 47 abaalmarinood oo isugu jira 20 dahab ah, 15 qalin ah iyo 12 kale.

Dalalka Faransiiska, Ingiriiska iyo Australia ayaa kaalmaha xiga ku jira.

Marka dib loo eego 30-kii sannadood ee ugu dambeeyey, ciyaaryahannada ka socda Maraykanka ayaa qaadanayey abaalmarinada ugu badan, waxaana guud ahaan ay heleen muddada 30-ka sano ee ugu dambaysay illaa 353 billadood oo dahab ah iyo 309 billadood oo qalin ah, halka dalka Shiinuhu uu kaalinta labaad ku jiro oo uu helay 249 billadood oo dahab ah iyo 187 billadood oo qalin ah, Jarmalka ayaa isna kaalinta saddexaad ku jira oo helay 188 billadood oo dahab ah iyo 186 qalin ah.

Qaaradda Afrika, dalka Kenya ayaa ah kan billadaha ugu badan ka urursada ciyaaraha olombikada, tusaale ahaan 30-kii sannadood ee ugu dambeeyey waxay ku guulaysteen 22 billadood oo dahab ah iyo 29 billadood oo qalin ah, halka dalka Ethiopia uu kaalinta labaad ku jiro oo uu helay 17 billadood oo dahab ah iyo 11 billadood oo qalin ah, dalka Koonfur Afrika ayaa kaalinta saddexaad ku jira oo ah dalka saddexaad ee urursaday billadaha ugu badan muddadii 30-ka sano ahayd ee ugu dambaysay, ciyaaraha olombikada.

Madal

XS
SM
MD
LG