Saraakiisha caafimaadka Falastiin ayaa sheegay, in duqeymo ay ciidamada Isra’il Sabtidi shalay ku garaceen Marinka Gaza ay sababeen dilka ugu yaraan 48 qof.
Duqeymaha khasaaraha badan dhaliyay ayaa waxaa barbar socday iska hor imaadyo laga soo sheegay bartamaha iyo koofurta Marinka Gaza. Duqeymaha Isra’il ee Sabtidi shalay yimid xilli maanta oo Axad ah lagu wado in Gaza laga billaabo ololaha tallaalka cudurka dabeysha.
Qaramada Midoobay ayaa qorsheyneyso in ay cudurka halista ah ee dabeysha ay ka tallaasho carruur gaareysa 640,000 oo ku nool Gaza, waxana tallaalka uu dhici doonaa inta lagu jiro sideed saac oo xabbad-joojin ah oo ay ciidamada Isra’il iyo dagaalyahannada Falastiiniyiinta ee Gaza joojin doonaan xabbadda muddadaasi.
Yousef Abu Al-Reesh, oo ah wasiir ku xigeenka caafimaadka Gaza ayaa sheegay, in kooxaha talaalka ay isku dayi doonaan in ay gaaraan inta ugu badan ee suurtogalka ah, laakiin wuxuu sheegay in kaliya xabbad joojin dhamaystiran ay dammaanad qaadi karto in carruurta Gaza oo dhan ay helaan dawada tallaalka cudurka Booliyada.
Ololaha tallaalka ayaa la filayaa in lagu dhameystiro muddo saddex maalin ah.
Madal