Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynihi hore ee Peru Alberto Fujimori oo geeriyooday


Peru Fujimori
Peru Fujimori

Madaxweynihii hore ee Peru, Alberto Fujimori, oo caan ku noqday doorki uu ka ciyaaray horumarinta dhaqaalaha dalkaasi, balse marki danbe xabsi u galay gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha ayaa Arbacadi geeriyooday.

Gabadha uu dhalay Fujimori, Keiko Fujimori ayaa qoraal ay ku daabcday barta X ku sheegtay in aabaheed oo ahaa 86 jir uu u dhintay cudurka kansarka oo ay sheegtay in uu muddo dheer la il-darnaa.

Fujimori, oo ahaa wiil ay iska dhaleen lamaanne kasoo jeeday Japan oo Peru qaxootinimo ku galay. Isaga oo aanan aqoon badan loo laheyn ayuu si lama filaan ah ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee sannadki 1990-ki.

Wuxuu salka u dhigay oo uu xasiliyay dhaqaalaha Peru, kaddib marki uu xakameeyay sicir-bararka, isla markaana shaqooyin u abuuray malaayiin qof. Wuxuu kaloo shirkado gaar ah u baddalay shirkado badan oo ay dowladda maamuli jirtay, sidoo kalana laalay tacriifta ganacsiga.

Hase yeeshee, waxaa marki danbe loo xiray eedo la xiriiray gabood-fallo ka dhan ah aadanaha oo oo ka dhashay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay dowladdiisa la gashay fallaagada Maoist-ga.

Madal

XS
SM
MD
LG