Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tobnaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay Gaza iyo Daanta Galbeed


Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay, in duqeyn ay ciidamada Isra’il ku garaaceen qeybo kala duwan oo ka tirsan Gaza Arbacadi lagu dilay, ugu yaraan 34 Falastiiniyiin ah .

Duqeymahaasi ayaa lala beegsaday iskuul ay maamusho Qaramada Midoobay oo ay ku nool yihiin dad barakac ah, iyo laba guri oo kale oo ku yaalla xerada qaxootiga Nuseyraat.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in lix ka mid ah dadka la dilay ay ka tirsanaayeen shaqaalaheeda.

Isbitaallada Cawda iyo Al Aqsa ayaa sheegay in iskuulka Al Jouwcaani ee Nuseyraat lagu dilay 14 qof oo ay ku jireen haweeneey iyo laba carruur ah. Sidoo kale 18 kale ayay sheegeen in lagu dhaawacay duqeynta.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen dagaalyahanno ka tirsan Xamaas oo iskuulka dhexdiisa ku diyaarinayay weerar sid aay sheegeen.

Dhanka Daanta Galbeed ee dhulka la heysto, ciidamada Israa’il ayaa weerar dhulka iyo cirka ah ku qaaday dhowr degm, iyaga oo sheegay in ay baacsanayaan malleeshiyaad balse dilay dad rayid ah sida ay xaqiijiyeen saraakiisha caafimaadka iyo wasaaradda caafimaadka ee Falastiiniyiinta.

Ilaa siddeed qof ayaa la xaqiijiyay in weeraradaasi lagu dilay.

Madal

XS
SM
MD
LG