Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxay ka dhigan tahay in Trump uu mar kale ka bad-baaday isku day dil?


Madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa gelinki danbe ee Axaddii shalay ka badbaaday isku-day kale oo lagu khaarijin rabay, xilli uu ku sugnaa beertiisa ciyaarta golf-ka lagu dheelo ee ku taalla magaalada West Palm Beach ee gobolka Florida.

Falkaan ayaa ka dhigan isku-daygii labaad oo lagu dili rabay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ay fashilinayaan ciidamada ammaanka muddo 9 todobaad gudahood ah.

Ciidanka ilaalada qarsoon ayaa sheegay, in ay arkeen nin hubeysan oo isku qarinayay meel juq ah oo u dhaw halka uu golf-ka ku ciyaarayay Trump, kaasi oo goobta uga cararay qorigii uu wax ku dili rabay.

Haddaba wuxuu isku daygaan uga dhigan yahay ololeyaasha doorashada ee Mareykanka, saameynta uu ku yeelan karo iyo dareenka shacabka iyo siyaasyiinta ay uga falceliyeen ayaan ka waraystay Xaashi Shaafi oo falanqeeya arrimaha Mareykanaka kuna sugan gobolka Minnesota.

Maxay ka dhigan tahay in Trump uu mar kale ka bad-baaday isku day dil?
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:28 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG