Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo ciidamo dheeraad ah u diraya Bariga Dhexe


Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa Isniinti sheegtay, in tiro aanan badneyn oo ciidamo dheeraad ay u direyso Bariga Dhexe, xilli ay sii xoodeysaneyso xiisadda colaadeed ee mandiqadda ka taagan.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya kaddib marki ay duqeymo cirka ah oo ay Isra’il ku garaacday Lubnaan ay ku dhinteen ku dhawaad 500 oo ruux. Weerarkaasi ayaa waxaa ka horreeyay duqeymo ay Axaddii labada dhinac is weydaarsadeen.

Maj. Gen. Pat Ryder, oo ah xoghayaha warfaafinta ee xarunta Pentagon-ka ee Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka, ma uusan sheegin tirada ciidamada iyo waxa ay qaban doonaan.

Mareykanka ayaa waxaa horay Bariga Dhexe uga joogay ciidan gaaraya 40,000 oo askari.

Madal

XS
SM
MD
LG