Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden iyo Erdogan oo khudbado ku billaabi doona shirka QM


Maanta oo Talaada ah ayaa lagu wadaa in ay si rasmi ah magaalada New York uga billowdaan khudbadaha hogaamiyaasha dunida ay ka jeedin doonaan, shirweynaha Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Shirkan oo ah kii 79-aad, ayaa waxaa ka qeybgayala kana hadli doona 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 madax dowladeed, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, iyo 54 wasiir.

Madaxda maanta ka hadleysa ayaa waxaa ka mid ah, Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa.

Haddaba wararki ugu danbeeyay ee Shirka Golaha Guud ayuu Nur Hassan Nur oo Washington jooga ka wareystay, Sahra Cabdi Ahmed oo New York joogta soo tabinta shirka sannadkaan.

Shirka Golaha Guud.m4a
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:09 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG