Jabuuti —
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay Ethiopia ka sugayso jawaab ku aadan deked ay Jabuuti ku yaboohday inay Ethiopia isticmaasho si loo yareeyo xiisadda ka dhex-jirta Soomaaliya iyo Ethiopia.
Jabuuti ayaa bilowgii bishan ku dhawaaqday inay Ethiopia siinayso dekedda dhinaca waqooyi ee Tajuura. Jabuuti ayaa aaminsan in isticmaalka dekedda Tajuura uu kor u qaadi karto ganacsiga gobolka iyo hagaajinta xidhiidhka kaabayaasha dhaqaalaha ee Itoobiya iyo Jabuuti.
Wasiirka Arrimaha dibedda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa wareysi uu siiyay weriyaha VOA, Peter Clotty wuxuu kaga hadlay arrintan.
Madal