Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muhiimadda Arizona ee doorashada madaxweynaha Mareykanka


Iyadoo toddobaadyo un ay naga xigaan maalinta doorashada, ayaan warbixintan aan si gaar ah ugu eegi doonnaa gobolka Arizona oo ka mid ah goobaha muhiimka ah ee sida weyn loogu loollamayo tartanka madaxtinimada Mareykanka ee doorashada 2024-ka.

Madaxweyne ku xigeenka Kamala Harris iyo madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump, ayaa labaduba waxa ay maanka ku hayaan in guusha gobolkaasi ku yaalla koonfur galbeed Mareykanka ay fure u tahay hanashada Aqalka Cad.

Weriyaha arrimaha socdaalka ee VOA, Aline Barros, ayaa u safartay gobolka si ay codbixiyayaasha u weydiiso sida arrimaha dadka soo galootiga ah ay u saameeyaan go’aanka cidda ay u dooranayaan madaxweynaha xiga ee Mareykanka.

Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan ayaa soo jeedinaya.

Muhiimadda gobolka Arizona ee doorashada madaxweynaha Mareykanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:12 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG