Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ganaaxay Kulmiye Waddani


Guddiga doorashada Somaliland
Guddiga doorashada Somaliland

Guddiga Anshaxa iyo Xallinta Khilaafaadka doorashooyinka Somaliland ayaa ganaax lacageed oo dhan 10 milyan oo shillinka Somaliland ah midkiiba ku soo rogay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani.

Labada xisbi ayaa lagu ganaaxay in ay sii billaabeen ololahooda doorashada ka hor wakhtiga rasmiga ah ee guddigu qabtay inuu billaabmo oo u beegan 19-ka bishan October, kuna eg 10-ka November, laba maalin ka hor maalinta codeynta doorashada.

Guddida Anshaxa ee Komishanka ayaa ku dhawaaqay in labada dhinacba ay ku xad-gudbeen xeerka anshaxa doorashada.

Wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakulle ayaa warbixintan Hargeysa ka soo diray.

Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ganaaxay Kulmiye Waddani
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG