Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Subianto oo maanta noqday madaxweynaha Indonesia


Prabowo Subianto, oo bishii Febraury loo doortay xilka madaxweynaha Indonesia, ayaa maanta oo Axad ah si rasmi ah u fariistay xafiiska madaxtooyada ee magaalada Jakarta.

Subianto, oo horay u soo noqday taliyaha ciidanka gaarka ah, ayaa si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimada ee horraanti sannadkaan, kaddib marki uu ololaha ku soo galay siyaasado ay ku jireen in uu cuntada bilaash uga dhigi doono ardayda iskuullada.

73 jirkaan ayaa sagaalki bilood ee uu doornaa waqti badan geliyay dhisidda isbaheysi adag oo uu ka dhex sameystay gudaha baarlamaanka.

Kadib markii maanta lagu dhaariyey caasimadda Jakarta, Subianto ayaa noqday madaxweynaha sideedaad ee soo mara Indonesia, isaga oo xilka kala wareegay madaxweyne Joko "Jokowi" Widodo.

Subianto ayaa waxaa madaxweyne ku xigeen u noqday Gibran Rakabuming Raka oo ah curadka wiilasha madaxweynaha xafiiska banneeyey Joko Widodo. Gibran ayaa ah 37 jir.

Madal

XS
SM
MD
LG