Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israel oo Sabtidi duqaysay Beyrut iyo Gaza


Saacado kaddib marki ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Natanyahu uu sheegay in diyaaradaha aanan duuliyaha laheyn lagu bartilmaameedsaday gurigiisa xilli uu ka maqnaa, ayay millatariga Israel Sabtidi shalay duqeymo cirka ah ku garaaceen qeybo ka mid ah magaalooyinka Beyrut iyo Gaza.

Afhayeen u hadlay Israel ayaa sheegay in Netanyahu uu ka maqnaa guriga, balse ma cadda in hooygiisa la wax yeelleeyay iyo in kale. Natanyahu ayaa falkaasi ku tilmaamay isku day dil, iyo qalad weyn oo laga shallay doono.

Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in duqeymo ay millatariga Israel ku garaaceen guryo dabaqyo ah oo ku yaalla degmada Beyt Laxiya ee waqooyiga Gaza ay ku dileen ugu yaraan 73 qof, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen tobnaan kale.

Ilaha caafimaadka ee isbitaallada Gaza ayaa iyaguna sheegay, in 24-ki saac ee lasoo dhaafay ay Israel ku dishay guud ahaan Gaza in ka badan 100 ruux oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jiraan dumar iyo carruur.

Isla Sabtidii shalay, diyaaradaha Israel ayaa ku daadiyay koonfurta Gaza waraaqo lagu dhajiyay sawirka Sinwaar lana soo raaciyo farriin ah: "Xamas mar dambe ma xukumi doonto Gaza".

Dhinaca Lubnaan, nawaaxiga koofureed ee Beyruut ayay milatariga Israel duqeymo culus ku bartilmaameedsadeen sida ay xaqiijiyeen ila wareedyada iyo sawirro laga soo qaaday xarumaha la qarxiyay.

Milatariga Isra’il ayaa sheegay in ay bartilmaameedsadeen bakhaarrada hubka ee Xisbullah iyo xarumaha dhexe ee dhinaca mukhaabaraadka.

Wali lama oga khasaaraha dhimashada.

Dhanka Israel, milatariga ayaa sheegay in dhinaca Lubnan looga soo tuuray ilaa 200 oo gantaal. Ilaha caafimaadka Isra’il ayaa sheegay in nin 50 jir ah uu ku dhintay kaddib marki uu madfac ugu tagay waqooyiga Isra’il, sidoo kale afar qof ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen.

Madal

XS
SM
MD
LG