Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweynaha Brazil oo jeegada ka dhaawacmay


Lula da Silva
Lula da Silva

Madaxweynaha Brazil Luiz Inacio Lula da Silva ayaa baajiyay safar uu Axaddi shalay ugu ambabixi lahaa Ruushka, kaddib marki ay dhaqaatiirtiisa caafimaadka kula taliyeen in uusan gali karin duulimaad saacado badan qaadanaya, sababo la xiriira dhaawac madaxa kasoo gaaray isaga oo gurgiisa jooga.

Bayaan kasoo baxay xarunta madaxtooyada Brazil ayaa lagu sheegay, in Lula oo 78 jir ah uu shirka uga qeybgali doono hanka fogaan-aragga ee dhinaca online-ka. Waxaa marki hore la filayay in uu ka baxo Brazil shalay 5-ti galabnimo.

Sida ku cad diiwaanka caafimaad ee isbitaalka Sirio Libanes ee magaalada Brasilia, Lula ayaa dhaawac kasoo gaaray jeegada madaxiisa Sabtidi. Lama faah-faahin waxa sababay dhaawacaasi.

Madasha diblamaasiyadeed ee loo soo gaabiyo BRICS ayaa la unkay muddo hadda laga joogo 15 sano. Waxaa xubno ka ah qaar ka mid ah dalalka ugu suuqyada waaweyn dunida sida Brazil, Ruushka, Hindiya, iyo Shiinaha. Waa marki danbe gadaal kaga soo biiray South Africa, Masar, Itoobiya, Iran iyo Imaaraadka Carabta.

Madal

XS
SM
MD
LG