Isku xirrada

War Deg-Deg ah

5 qof oo lagu dilay Ankara iyo Turkiga oo duqeeyay Ciraq iyo Suuriya


A general view of the entrance of the headquarters of Turkey's aviation company TUSAS, where four people were killed and 14 others wounded in an attack, near Kahramankazan, a town of Turkish capital Ankara, Oct. 23, 2024.
A general view of the entrance of the headquarters of Turkey's aviation company TUSAS, where four people were killed and 14 others wounded in an attack, near Kahramankazan, a town of Turkish capital Ankara, Oct. 23, 2024.

ANKARA—Ugu yaraan 5 qof ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay 22 kalana la dhaawacay kaddib marki laba nin oo hubeysnaa ay weerareen xarunta dhexe ee Warshadda Diyaaradaha iyo Dayax-gacmeedyada Cirka ee Turkiga ee magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga, Cali Yerlikaya ayaa sheegay in labada qof ee weerarka fulisay la dilay. Wuxuu kaloo sheegay in laba ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato.

Dowladda Turkiga ayaa weerarkaasi ku tilmaantay mid argagixiso. Muuqaal laga sii daayay telefishannada ayaa muujiyay, laba nin oo hubeysan oo galaya xarunta TUSAS ee u dhaw Ankara.

Wasiirka Arrimaha Gudaha wuxuu weerarka ku eedeeyay kooxda mamnuuca ka ah Turkiga ee PKK, oo ah koox u dagaalanta xorriyadda Kurdiyiinta Turkiga.

Dhanka kale, war aroornimadi hore ee Khamiista kasoo baxay Wasaaradda Difaaca Turkiga ayaa lagu sheegay, in duqeymo cirka ah oo ay diyaaradaha dagaalka Turkiga ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaalla waqooyiga Cirar iyo Waqooyiga Suuriya ay ku burburiyeen, ilaa 32 bartilmaameed oo ay leeyihiin PKK.

Waxay sheegeen in ay dileen tiro ka mid ah ururka PKK, balse ma aysan xaqiijin tirada saxda ah.

Madal

XS
SM
MD
LG