Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shan qodob ka ogow weerarkii Israel ee Iran


Israel ayaa saacadihii hore ee Sabtida maanta ah qaadday weerarkii muddo la sugayay ee jawaabta u ahaa gantaalihii Iran, waxayna duqeymo xiriir ah ka fulisay gudaha jamhuuriyadda Islaamiga ah.

Qodobadan ayaa muhiim ah in la ogaado:

Bartilmaameedyo dhowr ah oo la duqeeyey

Xilli habeen gudcur ah, Israel waxa ay garaacday goobo badan oo ku yaal qaybo kala duwan oo Iran ah. Qaraxyo ayaa laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Tehran oo ku taalla xudunta dalkaasi.

Milatariga Israel ayaa sheegay in “duqeymaha ay ahaayeen kuwa sax ah oo bartilmaameedsan” ayna ku dhufteen nidaamka difaaca gantaalada hawada iyo “awoodaha hawada” iyo sidoo kale xarumaha gantaalada lagu sameeyo ee loo farsameeyay gantaalihii lagu weeraray Israel. Iran waxa ay ku adkaysatay in weeraradu ay sababeen “khasaare xaddidan” oo kaliya.

Ilaa hadda ma cadda waxyeellada uu gaystay weerarka Israel, iyadoo labada dal midkiisna uusan bixin tafaasiil faahfaahsan oo ah burburka uu sababay weerarka. Iran ayaa sheegtay in duqeymahaasi lala beegsaday saldhigyo ciidan oo ku yaalla gobollada Ilam, Khuzestan iyo Tehran.

Israel ayaa u muuqatay in ay ku kalsoon tahay in ay dhaawacday difaaca hawada ee Iran, iyadoo afhayeenka milatariga Rear Admiral Daniel Hagari uu yiri “Israel hadda waxa ay haysataa xorriyad ballaaran oo ka dhan ah hawada Iran ah.”

Goobaha aan la duqeyn

Duqeymaha ayaan u muuqan kuwo lagu bartilmaameedsanayay xarumaha uu beegsigoodu keeni karay jawaab adag oo ka timaadda Iran. Kuwa ugu muhiimsan waxaa ka mid ah kaabayaasha saliidda Iran, oo ah laf-dhabarka dhaqaalaha xubnaha OPEC, iyo sidoo kale xarumaha nukliyeerka ee dalkaasi.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa horraantii bishan sheegay in aanu taageeri doonin duqeyn ay Israel ku beegsato xarumaha Nukliyeerka ee Iran.

Saraakiisha Mareykanka ayaa aaminsanaa in ay xaqiijiyeen in Israel aysan duqeyn goobaha nukliyeerka ama saliidda ka dib markii ay dalkaasi u direen qalabka gantaalaha hawada iyo ciidamo, inkastoo xaqiijintaasi aysan aheyn kuwa biya kama dhibcaan ah.

Weerarka ayaa dhammaaday

Israel ayaa ka dhawaajisay in duqeyntii waaberigii ay ahayd dhammaadka weerarkan.

“Weerarka aargoosiga waa uu dhammaaday, ujeeddooyinkii laga lahaana waa la gaaray,” Hagari ayaa yiri subaxnimadii hore ee maanta oo Sabti ah.

Wax yar ka dib, Hay'adda Duulista Rayidka ee Iran ayaa sheegtay in duullimaadyada ganacsiga ay dib u bilaaban doonaan ka dib markii loo joojiyay duqeymaha cirka awgeed.

Weerarrada Israel waxaa ujeedkoodu ahaa in ay ka hortagaan gardarrada mustaqbalka iyo “in aan muujinno in aynaan aamusi doonin” laakiin in waa in loo qaadaa si yareyn karta ceebeynta Iran, ayuu yiri Yoel Guzansky, oo ah cilmi-baare ka tirsan Machadka Daraasaadka Amniga Qaranka ee fadhigiisu yahay Tel Aviv.

Carada iyo baaqa ah in la is-xakameeyo

Aqalka Cad ayaa tilmaamay in uu doonayo in duqeymahaasi ay soo afjaraan weerrarada tooska ah ee ka dhexeeya Israel iyo Iran, waxa uuna ka digay in ay Iran jawaab ka bixiso.

Ra’iisul-wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fogaado xiisad kale oo gobolka ah, waxa uuna ugu baaqay dhammaan dhinacyada in ay is xakameeyaan.

Falcelinta gobolka ayaa ahayd mid adag. Sacuudi Carabiya, oo ah dalka Carbeed ee ay sida weyn u loollamaan Iran ayaa cambaareeyay weerarka, waxaana ay Boqortooyadu ku tilmaantay mid khatar ku ah ammaanka gobolka iyo “xadgudub ka dhan ah shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.”

Turkiga ayaa ku eedeeyay Israel in ay “gobolkeenna qarka u saartay dagaal weyn” wuxuuna yiri, “In la soo afjaro argagixisada ay Israel ka abuurtay gobolka waa waajib taariikhi ah.”

Suuriya iyo Ciraaq ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka. Sidoo kale ururka Xamaas oo uu Maraykanku u aqqoonsan yahay koox argagixiso ah ayaa canbaareeyay weerarka, iyadoo Xamaas ay dagaallamayaasheedu 7-dii October weerar ku qaadeen isarel halkaasi oo ay ku dileen 1,200 oo qof, oo u badnaa rayid, kuna qafaasheen ilaa 250 la haystayaal ah oo ay geeyeen Gaza.

Weerarada Israel ee Marinka Gaza ayaa ilaa hadda lagu dilay in ka badan 42,600 oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka ee maxalliga ah, kuwaas oo aan kala soocin rayidka iyo dagaalyahannada, laakiin waxa ay sheegeen in haweenka iyo carruurta ay ka dhigan yihiin in ka badan kala bar dhimashada.

Jawaabta Iran oo fure noqon doonta

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegtay in Iran ay ka jawaabi doonto duqeymaha cirka ah, iyadoo ku tilmaantay xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah waxayna sheegtay in Tehran ay xaq u leedahay in ay is difaacdo.

Israel ayaa weerarkii Sabtida maanta ah ku tilmaantay mid jawaab u ah weerarradii hore ee dhinaca hawada ahaa ee qaadday Iran oo adeegsatay gantaallo iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay bishii Abriil iyo weerar gantaal ah oo dhacay bishan. Qaar badan oo ka mid ah gantaalahaasi ayaa la toogtay ka hor inta aysan gaarin bartilmaameedkooda.

Iran ayaa laga yaabaa in ay isku daydo duqeyn kale oo toos ah, inkastoo haddii ay sidaas sameyso ay halis ugu jirto in ay mar kale Israel weerar toos ah ku soo qaaddo dalkeeda, xilli difaaceeda la wiiqay.

Waxaa kale oo ay dhiirigelin kartaa kooxaha xulufada la ah sida Xamaas-ta Gaza iyo Xisbullah-da Lubnaan in ay xoojiyaan weerarradooda, inkastoo labaduba ay jug weyn kala kulmeen dagaallada ay Israel kula jiraan.

“Iran waxa ay hoos u dhigi doontaa waxyeellada weerarrada, kuwaasi oo dhab ahaantii ahaa kuwa aad u daran” ayay saadaalisay Sanam Vakil, oo ah agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika ee xarunta fadhigeedu yahay London ee Chatham House.

Waxa ay sheegtay in Iran ay “ku xiran tahay xaddidaadda militarigeeda, caqabadaha dhaqaale ee ka dhalatay cunaqabateynta iyo natiijada doorashada Mareykanka,” kuwaasi oo saameyn kara sida ay uga sii darto colaadda ama ay u raadiso dublumaasiyad.

AP

Madal

XS
SM
MD
LG