Saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ugu yaraan 30 qof oo Falasiiniyiin ah lagu dilay duqeyn ay ciidamada Israel Arbacadi ka geysteen qeybo ka mid ah Marinka Gaza.
Duqeyntan ayaa timid, maalin kaddib marki ay ciidamada Israel madaafiic ku burburiyeen guri dabaq ahaa oo ku yaallay Waqooyiga Gaza, halkaas oo la xaqiijiyay in Talaadadi lagu dilay ilaa 93 qof oo ay ku jireen 20 carruur ah.
Siddeed ka mid ah dhibanayaasha Arbacadii ayaa lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Salaaxuddin ee ee degmada Beit Laaxiya ee waqooyiga Gaza.
Aagga ayaa u dhow halka ay dhakhaatiirtu sheegeen in ugu yaraan 93 qof lagu dilay Talaadadii, dhimasadaas oo ka dhigtay mid ka mid ah kuwi ugu dhiig-daadashada badnaa hal maalin gudaheed tan iyo inti uu billowday dagaalka Gaza.
Weerarkaasi ayay Dowladda Mareykanka ku tilmaantay mid qarracan leh.
Israel ayaa dhowr jeer taangiyo u dirtay deegaannada Waqooyi ee Gaza tan iyo bishi Janaury ee sannadkaan, markaas oo ay sheegtay in halkaasi ay dib isugu urursadeen Xamaas.
Meelaha ay duqeymaha ba’an ka geysatay ayaa ka mid ah degmooyinka Beyt Laaxiya, Beyt Xanuun iyo Xabaaliyah. Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in bilooyinki ugu danbeeyay halkaasi lagu dilay boqollaal Falastiiniyiin ah.
Madal