WASHINGTON— Gudniinka Fircnooniga ayaa ah caado dhaqameed khatar ku ah gabdhaha, hooyada iyo dhallaanka, kaas oo wali lagu sameeyo gabdhaha yar ayar guud ahaan dhulka Soomaalidu ay degto ee Geeska-Africa.
Gudniinka oo sidoo kale ka jira dalal badan oo ku yaalla caalamka daafihiisa kala duwan, ayaa dalka Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ay warbixannadu sheegayaan, in 10-ki gabdhoodba 9 ka mid ahi lagu sameeyay gudniinka fircooniga.
Sacdiyo Xussein oo ah Agaasimaha Hay’adda Brighter Society Initiative oo fadhigeedu uu yahay gobolka Tana River ee dalka Kenya, waxay iyada iyo hay'adeeduba la dagaalamanaa Gudniinka Fircooniga.
VOA-da ayay nagu soo booqatay, waxana wareysigan la yeeshay Sahra Cabdi Axmed.
Madal