Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malaayiin Mareykan ah oo saaka u dareeray goobaha cod-bixinta


Malaayin qof oo Mareykan ah ayaa maanta oo Talaada ah u dareeray goobaha ay yeelaan sanaadiiqda codoadka, si ay u soo doortaan madaxweynaha xakumi doona dalkan afarta sano ee soo socota.

Doorashadan taariikhiga ah ayaa waxaa si adag ugu loolamaya madaxeynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, oo ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga, iyo madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka ee xilligan, Kamala Harris oo ka socota xisbiga Dimoqraadiga.

Labada murashax ayaa Isniinti shalay, oo aheyd maalinti ugu danbeysay ee ololaha doorashada xoogga saaray gobolka muhiimka ah ee Pennslvania, oo aad loo saadaalinayo in ciddi ku gooleysata uu noqon karo madaxweynaha soo socoda.

Trump ayaa ku billaabay magaalada Reading ee cirifka koofureed ee Pennsylvania. Harris ayaa iyaduna joogtay magaalada Allentown oo 30 mile un u jirta Reading.

Trump ayaa u sheegay dadka gobolkaasi "in haddii uu ku guuleysto codkooda ay arrintu ku dhamaan doonto in uu ku guuleystay madaxtinimada Mareykanka."

Harris ayaa iyaduna ku boorrisay dhammaan dadka gobolka Pennsylvania in ay codeeyaan, taasoo dhinac u ridi doonta macnana u sameyn doonta doorashadan bey tiri.

Gobolkan ayaa leh 19 codadka loo yaqaanno kuwa ergooyinka. Marka laga soot ago codadka dadweynaha, murashaxi hela ilaa 270 codadka ergooyinka gobollada ayaa noqon doona madaxweynaha soo socda ee Mareykanka.

Trump ayaa ololahiisa ku soo xiray xalay magaalada Grand Rapids ee gobolka Michigan, halka Harris ay ku khatintay ololaheeda doorashada caasimadda Pennsylvania ee Philadelphia.

Madal

XS
SM
MD
LG