Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda Africa oo hambalyo u soo diray Trump


Wargeysyada Dunida oo bogga hore ka dhigay warka Trump
Wargeysyada Dunida oo bogga hore ka dhigay warka Trump

Guushi uu Donald Trump kasoo hooyay doorashada madaxtinimada Mareykanka habeenki Talaadada, ayaa wali meelo badan oo dunida ah ku jirta qeybaha hore ee wararka iyo barnaamijka warbaahinta.

Qaaradda Africa, warbaahinta ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay tartanka xilka madaxweynaha Mareykanka ee uu Trump kaga guuleystay Kamala Harris, madaxweyne ku xigeenka xilligaan ee Mareykanka.

Wargeyska Business Day ee kasoo baxa South Africa, ayaa maqaal uu guusha Trump ka qoray cinwaan uga djigay “soo laabashada Trump waxay waddaa farriin ku saabsan habka adag ee uu Mareykanka u wajahi doono Africa.

Jariiradda The Sunday Times, ayaa iyaduna aqristayaasheeda weydiisay su’aasha ah “Ma ka walwalsantahay in Donald Trump loo doortay Madaxweynaha Mareykanka?”

Dadka Africa ayaa ku kala aragti duwan sida ay u arkaan shakhsiyadda Trump. Qaar ayaa ka xun erayo jees jees iyo sharaf dhac ahaa oo uu ku sifeeyay Qaaradda Africa muddo xileedkiisii koowaad, halka kuwo kalana ay u arkaan in uu yahay hoggaamiye xoog badan.

Steven Gruzd, oo ah falanqeeye siyaasadeed oo ka tirsan Machadka Arrimaha Dibadda ee South Africa, ayaa VOA u sheegay, in Trump uusan ahmiyad weyn siinin Africa muddo xileedkiisii koowaad, haddana uusan ka rajeyneyn wax badan.

Marka aan eegno hoggaamiyaasha Africa ee dhambaallada hambalyada u soo diray guusha Trump, ayaa waxaa ka mid ah:

Madaxweynaha Kenya William Ruto, oo dhawaan booqasho rasmi ah ku tagay Mareykanka kaddib marki uu cazuumad ka helay madaxweyne Joe Biden, ayaa ammaanay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Trmp. Wuxuu ku tilmaamay in uu yahay nin leh “aragti dheer, geesinnimo iyo hal abuur hogaamineed."

Madaxweynaha Nigeria Bola Tinubu ayaa sheegay in uu rajeynayo in muddo xileedka cusub ee Trump uu u keeno faa’iidooyin dhaqaale iyo horumar dhex mara Africa iyo Mareykanka.

Madaxweynaha South Africa Cyril Ramaphosa ayaa isna sheegay inuu rajaynayo inuu sii socda "iskaashiga faa'iidida leh " ee labada dal.

Ugu danbeynti madaxweynaha Jasiirada Seychelles, Wavel Ramkalawan, ayaa muujiyay walaaca uu ka qabo muddo xileedka labaad ee Trump. Isaga oo is weydiiyay su’aasha ah.

"Waxaan ku jirnaa qalalaaso cimileed, markaa Mareykanku mar kale ma ka bixi doonaa heshiiskii Paris? Maxay noqon doontaa ku dhawaaqida madaxweyne Trump?

Madal

XS
SM
MD
LG