Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Amsterdam oo laga mamnuucay mudaaharaadyada


In this image taken from video, a group of pro-Palestinian protesters walk toward police line, with police vans driving in the background, near the soccer stadium in Amsterdam, Netherlands, Nov. 7, 2024.
In this image taken from video, a group of pro-Palestinian protesters walk toward police line, with police vans driving in the background, near the soccer stadium in Amsterdam, Netherlands, Nov. 7, 2024.

Magaalada Amsterdam ee caasimadda dalka Netherland ayaa laga mamnuucay in muddo saddex maalin ah oo ka billaabatay Jimcihi shalay laga mamnuucay bannaanbaxyada, kaddib marki habeenki Khamiista la weeraray qaar ka mid ah taageerayaasha kubadda cagta Isra’il.

Duqa magaalada Amsterdam, Femke Halsema ayaa sheegtay in taageerayaasha kooxda kubadda cagta Maccabi Tel Aviv ee Isra’il la weeraray, lagu xadgudbay, isla markaana meelo kala duwan oo magaalada ah lagula tuuray baaruudda bulleerka.

Booliska ayaa taageerayaashaasi Isra’iiliyiinta ah isku gadaamay oo u galbiyay hoteellada ay daganaayeen. Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhaawacmay dhacdadaasi. Isra’il ayaa u dirtay diyaarado dadkaasi ka soo qaada Holland.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay, booliska rabshadaha ka hortaga oo diyaarsan, dad watay cimmaamadaha Falastiiniyiinta oo ku qeylinaya erayo ka dhan ah Isra’il, halka la arkayay taageerayaasha kubadda cagta naadiga Maccabi Tel Aviv oo ku dhawaaqaya erayo ka dhan ah Carabta.

Taageerayaashani Isra’iliyiinta ah ayaa dalka Holland uga qeybgalay, daawashada ciyaar ka tirsaneyd tartanka Yuruba League, taas oo dhex martay kooxdooda Meccabi Tel Avivi iyo kooxda caanka ah ee Ajax Amesterdam. Ciyaartaas ayaa waxaa 5-0 ku badisay kooxda

Madal

XS
SM
MD
LG