Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qatar oo joojisay doorkeeda dhex-dhexaadinta Xamas iyo Israel


Tamim bin Hamad Al Thani
Tamim bin Hamad Al Thani

Dowladda Qatar ayaa Sabtidi shalay ku dhawaaqday in ay hakisay dowrki ay ku laheyd dhex-dhexaadinta wadahadallada muhiimka ah ee lagu rabay in xabad joojin lagu kala dhex dhigo Israel iyo Xamaas, si loo soo afjaro dagaalka Gaza, isla markaana loo guryo naqo la haystayaasha Israel ee ku sugan Gaza.

Qatar waxay sheegtay in tallaabadani ay u qaadday sababo ay ku sheegtay niyad jabka ka dhashay horumar la’aanta dadaallada xabbad joojinta ee Gaza.

Qatar waxay kaloo sheegtay in aysan miiska wadahadalka ku soo laaban doonin ilaa ay niyad wanaagsan oo ku qotoma wadahadallada la imanayaan Xamas iyo Israel.

Dalkan yar ee hodonka ah ee ku yaalla khaliijka Carabta ayaa ka barbar shaqaynayay Maraykanka iyo Masar muddo bilo ah, iyaga oo riixayay wadahadalo aan miro dhal noqon kuwaas oo u dhaxeeyay dhinacyada isku haya Gaza.

Go’aankan ayaa durba guux badan ka dhaliyay gudaha Israel. Sabtidi shalay, kumannaan qof oo Isra’aa’iiliyiin ah ayaa ku mudahaaraaday magaalada Tel Aviv, kuwaas oo ka walaacsan xaaladda la heystayaasha wali ku harsan gacmaha kooxaha Falastiiniyiinta.

Madal

XS
SM
MD
LG