Hal todobaad kaddib marki uu si weyn ugu guuleystay doorashadi madaxtinimo ee Mareykanka, ayuu madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump, Arbacadi shalay booqasho ku tagay Aqalka Cad, kaddib casuumaad uu ka helay madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Joe Biden.
Kaddib muddo laba saac ah oo ay ku wada sugnaayeen Aqalka Cad, ayay Biden iyo Trump ballan qaadeen xil wareejin nabad ah oo ay talada ku kala wareegaan marka la gaaro 20-ka bisha January ee sannadka soo socda ee 2025-ka.
afhayeenka Aqalka Cad, Karine Jean-Pierre ayaa wariyaasha u sheegtay in kulanka uu ahaa mid wax ku ool ah. Waxay kaloo sheegtay in labada mas’uul ay ka wada hadleen qodobo ay ka mid ahaayeen arrimaha muhiimka ah ee amniga qaranka, iyo siyaasadaha gudaha iyo dibadda.
Mareykanka waxaa dhaqan siyaasadeed ka ah, in madaxweyanaha xilka kasii dagaya uu Aqalka Cad ku casuusmo madaxweynaha la doortay ee baddali doono, si loo muujiyo biseylka dimoqraadiyadda iyo in xil wareejintu u dhacdo si nabad ah.
Waxay aheyd marki ugu horreysay oo uu Trump booqday Aqalka Cad tan iyo marki uu ka tagay xafiiska bishii Jannaayo ee sannadki 2021-ki, markaas oo uu doorashadi 2020-ki uga guuleystay Joe Biden.
Madal