Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tobnaan qof oo lagu dilay Haiti


In ka badan 20 qof oo looga shakisanyahay in ay xubno ka yihiin kooxaha burcadda ah ayaa Talaadadi shalay lagu dilay caasimadda dalka ay colaaduhu ragaadiyeen ee Haiti.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib marki ay dadka rayidka ah ku biireen ciidanka booliska si ay isaga caabiyaan weerar ay kooxaha shuftada ah ku qaadeen deegaan kaabiga ku haya magaalada Port-au-Prince.

Xaafadda Petion-Ville ayaa la xiray Talaadadii, iyadoo dadka deegaanka ay jareen waddooyinka, isla markaana ka codsaday dadka aan ka soo jeedin aaggaas inay guryahooda ku ekaadaan. Dadka ayaa ku hubeysnaa budad iyo baangado si ay deegaanka uga ilaaliyaan mooryaanta.

Wariye ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in uu arkay ugu yaraan meydadka 25 qof oo yaalla xaafadaha Delmas, Canape Vert iyo Petion-Ville, halkaas oo dadka deegaanka deegaanka ay dab qabadsiinayeen meydadka.
Afhayeenka booliska Haiti Lionel Lazarre ayaa Reuters u sheegay in ugu yaraan 30 ka mid ah burcadda la dhaawacay shalay.

Tan iyo bishi April, Haiti waxaa sii xoogeysanayay dhaqdhaqaaq u eg kacdoon shacab oo ay dadka deegaanka isaga caabinayaan kooxaha burcadda ah ee xoogga ku qabsaday inta badan magaalooyinka waaweyn ee Haiti.

Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in ugu yaraan 149 kiis oo la xiriira iska caabinta shacabka laga diiwaangeliyay inti u dhaxeysay bilishi June iyo September ee sannadkaan.

Madal

XS
SM
MD
LG