Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Canada oo kaalmeyneysa muwaadiniinta liita


Canada's Prime Minister Trudeau speaks during Question Period in the House of Commons on Parliament Hill in Ottawa
Canada's Prime Minister Trudeau speaks during Question Period in the House of Commons on Parliament Hill in Ottawa

Dowladda Canada ayaa shalay ku dhawaaqday in lacag ka badan 1.6 bilyan oo dollar ay ku bixineyso, sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyinka dhanka nolosha ee heysata dadka dalkaasi ku nool , gaar ahaan xilliga fasaxa ee bisha dambe.

Lacagtan ayaa la sheegay inay isugu jirto mid hal mar la siinayo qof walba oo canshuur xareeyay sanadkii hore, iyo canshuur dhaaf loo sameynayo marka ay wax iibsanayaan.

Ra'iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau, ayaa sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu taageerayo dadka Canadian-ka ah.

Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada, Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Farxaan Cali JImcaale oo bartay cilmiga dhaqaalaha, madaxna ka ah Dahaba Accounting and Tax Assistans oo loo soo gaabiyo DATA oo fadhigeedu yahay magaalada Toronto, ugu horreyna waxa uu waydiiyay waxa ay tahay lacagta ay dowladda ku dhawaaqday.

Warbixinta Canada.m4a
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG