Jabuuti —
Shirka sannadlaha ah ee Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage ee ka socda magaalada Jabuti ayaa maanta galay maalintiisii labaad.
Shirka ayaa sanadkaan waxaa diiradda lagu saaraayaa xoojinta xasilloonida gobolka iyo muhiimadda ay u leedahay u hoggaansanaanta sharciga, waxaana ka qeybgalaya Masuuliyiin kala duwan iyo aqoon yahanno isaga kala yimi gobolka Geeska Afrika iyo qurbaha.
Warbixinta kulankii maanta waxaa soo dirtay Sagal Saciid Faarax.
Dhinaca kale, kulanka madaxdii ka hadashay waxaa ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi. Warbixintan waxaa Jabuuti kasoo diray, Ramasan Muse Jaamac.
Madal