Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliska booliska oo ka hadlay askari uu feeray xildhibaan


Taliska booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyay xaaladda askari boolis ah oo ka tirsanaa ilaalada xarunta baarlamaanka Soomaaliya kaasi oo dhaawac uu ka soo gaaray feer uu sanka kaga dhuftay xildhibaan ka tirsan golaha shacabka, lana dhigay isbitaal Madiina ee magaalada Muqdisho.

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka xarunta baarlamaaka oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askariga oo ay ku dhaceyso feer uu kusoo tuuray xildhibaanka, taasi oo aad loo hadal haayo illaa hadda.

Haddaba afhayeenka booliska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa VOA-da uga warramay xaaladda askariga isbitaalka lagula tacaalayo iyo sidii ay booliska uga falceliyeen dhacadada.

Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Maxamed Samakaab oo khadka telefonka ee magaalada Muqdisho kula xiriiray ayaa waraysigaan la yeeshay.

Taliska booliska oo ka hadlay askari uu feeray xildhibaan
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:00 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG