Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biden oo Booqasho ku Tegay Angola


Biden
Biden

Madaxweynaha dalkan Mareykanka ee xukunka ka sii degaya Joe Biden ayaa booqashadii ugu horreysay ee isagoo ah Madaxweynaha Mareykanka ah ku tagay dalka Angola.

Booqashada Biden ayaa diiradda lagu saarayay mashruuca horumarinta ee Mareykanku maalgeliyey ee Jidka Tareenka ee loo yaqaan (Lobito rail corridor).

Mashruucan Dhabaha Tareenka oo dhererkiisu yahay 1,300 km wuxuu isku xiraa gobollo hodan ku ah macdanta oo ku yaalla gudaha Afrika iyo deked muhiim ah oo ku taala koonfur-galbeed Angola.

Mareykanka ayaa sheegay inuu mashruucan ku maalgeliyey lacag ka badan $3 bilyan oo dollarka Mareykanka ah.

Warbixn ay diyaarisay wariyaha VOA, Anita Powel, waxaa inoo haya Xuseen Barre.

Booqashada Biden ee Angola
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:50 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG