Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka Suuriya oo qabsaday Xalab, una ruqaansaday Xama


Kumanaan ka mid ah dagaal-yahanada jabhadda mucaaradka ku ah dowladda Suuriya ayaa Sabtidii la wareegay inta badan magaalada Xalab, iyaga oo fariisimo ka sameystay meelo ay ka mid yihiin saldhigyada waaweyn iyo garoonka diyaaradaha.

Sida ay sheegeen kormeerayaasha iyo jabhadda, ma jirin wax iska caabin ah oo ay kala kulmeen ciidamada dowladda Bashar Al Asad ee Suuriya oo Xalab maamulayay tan iyo sannadki 2016-ki, markaas oo ay dib ugala wareegeen Daacish.

Kormeerayaasha kor kala socda colaadda iyo xaaladda xuquuqul insaanka ee Suuriya ayaa sheegay, in maleeshiyada kooxda Xayaat Taxriir Al-Shaam, ay hadda gacanta ku hayaan garoonka Xalab, taas oo ka digan in ay gacanta ku dhigeen garoonki ugu horreeyay oo caalami ah tan iyo marki ay si lama filaan ah dib ugu soo rogaal celiyeen Suuriya.

Milatariga Suuriya ayaa Sabtidi sheegay in tobnaan ka mid ah ciidamadooda lagu dilay dagaal ay la galeen kooxda mayalka adage e Hayat Tahrir al-Sham, kuwaas oo la wareegay magaalada weyn ee Xalab.

Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa iyaduna sheegtay, in ciidanka cirka Ruushka uu duqeymo cirka ah ku garaacay bartilmaameedyo ay ku sugnaayeen mucaaradka Suuriya si ay u taageeraan ciidamada Doeladda.

Kooxda Hayat Tahrir Al-Sham, oo horay loo dhihi jiray Jabhadda Nusra, ayay dowladaha Maraykanka, Ruushka, Turkiga iyo dawlado kale u aqoonsan yihiin koox argagixiso.
Hadda waxay maleeshiyaadkoodu u jiheysteen gobolka deriska la ah Xalab ee Xuma, halkaas oo ay ku suganyihiin ciidamada Dowladda.

Dagaalkan ayaa kusoo beegmay maalin kaddib marki ay Isra’il iyo Xisbullah gaareen heshiis xabad joojin ah, iyo xilli uu wali sii socdo dagaalka Gaza. Waxana uu xaabada ku sii darayaan colaadda 14-ki bilood ee lasoo dhaafay ka hureysay mandiqadda Bariga Dhexe.

Faah-faahin dheeraad ah waxaa soo jeedinaya Cabdixakiim Maxamuud Shirwac.

Mucaaradka Suuriya oo qabsaday Xalab, una ruqaansaday Xama
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:16 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG