Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hub iibsiga caalamka oo sare u kacay


Warbixin uu soo saaray Machadka Caalamiga ah ee Nabadda iyo Cilmi-baarista ee dalka Sweden maanta oo Isniin ah, ayaa lagu sheegay in uu korar baaxad lihi ku yimid kala iibsiga hubka iyo qalabka militariga ee caalamka intii ay dagaaladu ka socdeen dalka Ukraine, magaalada Gaza iyo waliba meelo kale oo dunida ah.

Shirkadaha ugu waa weyn ee soo saaraha qalabka militariga ayaa wax soo saarkooda kor u qaaday sanadkii hore, waxana warbixinta lagu sheegay in 100-ka shirkadood ee ugu waaweyn ay sameeyeen dakhli dhan $632 billion, tiradaasi oo muujinaysa inuu wax soo saarkoodu kordhay 4.2%.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa inoo haysa warbixin ay qortay VOA.

Hub iibsiga caalamka oo sare u kacay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:41 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG