Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Xaaladda naafada Soomaaliyeed


Maanta oo kale saddexda December, sanad kasta waxaa dunida laga xusaa Maalinta Caalamiga ah ee Naafada.

Waxaa maalintan la muujiyaa kaalinta ay bulshada ku leeyihiin dadka naafada ah ama qaba baahiyaha gaarka ah.Sanadkaan waxaa halku dhigga xuska maalintaan loo qaatay kaalinta hoggaaminta loo dhanyahay oo ay dadka naafada ah qeyb ka yihiin.

Soomaaliya, waxaa ku sugan dad badan oo qaba baahiyaha gaarka ah, laakiin goleyaasha hoggaaminta iyo miisaska talada, aad ayey ugu yaryihiin, hase-ahaatee, waxaa jira dhallinyaro wax baratay oo naafo ah kuwaasi oo u istaagay sidii bulshada qabta baahiyaha gaarka ah ay codkooda u gaarsiin lahaayeen meel sare.

Dadkaasi waxaa ka mid ah, Dalmar Caddow Maalin oo ah macallin araga naafo ka ah, waxaa wareystay Weriyaha VOA-da Cabdiacasiis Barrow, waxa uuna ugu horreyn weydiiyay maalintaan iyo waxa ay uga dhigantahay?

Wareysi: Xaaladda naafada Soomaaliyeed
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG