Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi ku saabsan Ururka Dhallinyarada Carabta


Dalka Syria oo dhawaan la soo afjaray xukuumaddii kali taliska ahayd ee uu hogaaminayay Bashar Al- Asad, isla markaana ay tobankii sano ee ugu dambeeyay dagaallo iyo qalalaase ka socdeen wuxuu xarun u ahaa urur ay ku midoobeen dhallinyarada wadamada Carabta ama dalalka ku jira Jaamacadda Carabta.

Ururkaasi oo jiray in ka badan 50 sano, waxa sanad walba ku soo biiri jiray dhalinyaro cusub waxaana ka bixi jiray xubno muddo dheer ku soo jiray.

Jaamac Faarax Xasan, oo ah Somali ka soo jeeda dalka Jabuuti ayaa ururkaasi xubin ka ahaa mudo 20 sanadood ah, waxaanu VOA da uga waramay ururkaasi dhallinyarada Carabtu sida uu u dhisnaa iyo mudadii uu dalkaasi sida joogtada ah ugu noq noqonayay isbedelada ka dhacay iyo waliba kacdoonkan ugu dambeeyay ee dadka reer Syria ku rideen xukuumadii Asad waxa laga filan karo.

Sahra Ciidle Nuur, ayaa khadka telephone ka kula xiriirtay, waxaanay ugu horayn waydiisay markii ugu horaysay ee uu tagay Syria ee uu ururka ku biiray.

Wareysi ku saabsan Ururka Dhallinyarada Carabta
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:11 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG