Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabad weyn oo ku aaddan ka faa’ideysiga iftiinka qorraxda badan ee ay leedahay ama tamarta la cusboonaysiin karo, taasoo muhiim u ah horumarka dalka.
Inkasta ay Somaliya u jiheysatay dhinaca hormarka iyo maalgashiga, la'aanta kaabayaasha tamarta la isku halayn karo ayaa caqabad ku ah horumarka qaybaha kala duwan.
Wax ka qabashada caqabadahan tamarta ayaa lagama maarmaan u ah Soomaaliya si ay u soo jiidato maalgashi caalami ah oo ay u gaarto horumar waara.
Idaacadda VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga oo todobaadkiiba mar soo bandhigta Barnaamijka Ileyska VOAda waxa ay todobaadkan si qoto dheer uga hadlaysaa tamarta dib loo cusboonaysiin karo iyo sida ay Soomaaliya uga faa’iidaysan karto.
Barnaamijka waxaa inoo diyaariyay halkanna ka soo jeedinaya Maxamed Colaad Xassan.
Madal