Dalka Jarmalka waxaa soo baxaya tafaasiisha la xiriirta nin lagu tuhunsanyahay inuu gaari jiirsiiyay dad isugu soo baxay suuq laga dukaameysanayay oo loogu talagalay ciidda Masiixiga iyo Sanadka Cusub.
Weerarkaas oo dhacay fiidnimadii Jimcihii la soo dhaafay ayaa sida boolisku sheegeen waxaa ku dhintay shan qof, in ka badan 200 qof oo kalena wey ku dhaawacmeen.
Eedeysanaha oo xabsiga ku jira ayaa ah 50-jir ku takhasusay xanuunada dhimirka oo u dhashay dalka Sacuudiga, islamarkaana horey loogu bartay hadallo Islaam nacayb ah, wuxuuna ku noolaa dalka Jarmalka ku dhawaad labaatan sano.
Sababta weerarka ka dambeysay ayaan weli caddeyn.
Wariyaha VOAda Cabdi Xaafid Cawil Ismaaciil ayaa wararkii ugu dambeeyay ee arrintan ka wareystay Saciid Cabdullahi Xassan oo ah Falanqeeye Deggan magaalada Frankfort ee dalka Jarmalka.
Madal