Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ganacsiyo ay Soomaalida leeyihiin oo lagu boobay Mozambique


Goobo ganacsi oo ay Soomaalidu ku lahayd dalka Mozambique ayaa la boobay iyadoo ay socdaan qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhashay natiijada doorashada ee lagu muransan yahay.

Bililiqadan ayaa inta badan saameyn ku yeelatay ganacsiyada Soomaalida ee ku yaalla caasimadda Maputo iyo magaalada Nampula, sida ay sheegeen qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Rabshadaha ayaa qarxay isniintii kadib markii maxkamada ugu sareysa dalka Mozambique ay xaqiijisay in xisbiga Frelimo ee talada haya uu ku guuleystay doorashadii madaxtinimo ee bishii October, taasoo u sii dheereysay xukunka oo uu xisbigan hayay tan iyo 1975-kii.

Maxamed Colaad Xasan ayaa khadla taleefanka ee magaalada Nampula ee Mozambique arrintan uga wareystay Cali Cusmaan Raage, oo ah wakiilka guud ee safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Africa u qaabilsan Mozambique.

Ganacsiyo ay Soomaalida leeyihiin oo lagu boobay Mozambique
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:48 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG