Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish


Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland

Sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maamulka Puntland, maleeshiyo ka tirsan kooxda Daacish ayaa saaka weerar ku qaaday fariisimo ciidanka Puntland ay ku lahaayeen degaanka Dharjaale oo hoos tagta degmada Iskushuban ee gobolka Bari.

Ayada oo Punland ay horey u shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada, ayaa Daacish ay iyadu weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaadeen qayb ka mid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha degaanka Dharjaale, sida ay shegeen mas’uuliyiinta Puntland.

Ciidamada maamulka Puntland ee ku sugnaa halkaas ayaa sheegtay in ay iska caabiyeen kooxda weerarka soo qaaday oo ay ku sheegeen in ay ahaayeen ajaaniib ka barbar dagalamaysa Daacish, sida ay hadalka u dhigeen.

Warbixintan waxaa Boosaaso ka soo diray Yuusuf Maxamuud.

Dagaal dhex maray ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:47 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG