Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaaliya oo 54 sano kaddib dib ugu biirtay Golaha Ammaanka


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Somalia ee UN-ka
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Danjiraha Somalia ee UN-ka

Soomaaliya ayaa Arbacadii shalay si rasmi ah dib ugu biirtay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, 54 sannadood kaddib.

Soomaaliya ayaa ka mid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay Golaha Ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aanan joogtada aheyn. Waxay kursigan ku matali doontaa Bariga Africa muddo laba sannadood ah oo ka billaabatay 1-di bishan January ee sannadkana 2025-ka oo shalay ku beegneyd ilaa sannadka 2026-ka.

Booskan ayaa waxa loo doortay bishi June ee sannadki aanu kasoo gudubnay ee 2024-ki. Waxana ay isku mar shalay Golaha Ammaanka iskula soo biireen dalalka Pakistan, Panama, Denmak iyo Giriigga.

Soomaaliya oo 54 sano kadib dib ugu biirtay Golaha Ammaanka
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:15 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG