Dalkan Mareykanka, dabeylaha iyo duufaanta xilliga Jiilaalka ayaa Axaddii shalay ilaa maanta oo Isniin ah garaaceysa ku dhawaad 30 gobol oo ku yaalla bartamaha iyo bariga Mareykanka.
Meelaha ugu daran ee uu barafka iyo qabowga ba’ani saameeyay Axaddii shalay ayaa waxaa ka mid ah gobollada Kansas, Nebraska iyo Indiana.
Saacadaha soo socda waxaa la filayaa magaaladan Washington D.C, iyo gobollada ay dhaxda uga jirto ee Virginia iyo Maryland uu ka da’o barafki ugu weynaa muddo sannado ah.
Haddaba, qabowga xilliga jiilaalka iyo wararki ugu danbeeyay ee siyaasadda Mareykanka ayaan goor dhaweyd ka wareystay, Maxamed Sheekh Xuseen oo ka faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, kuna nool magaalada Alexsandria ee gobolka Virginia.
Madal