Toronto —
Rai'iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay, inuu iska casili doono hoggaanka xisbiga iyo xilka ra’iisul wasaarennimo marka xisbigiisa ay soo doortaan hoggaamiye cusub.
Wuxuu tilmaamay in madaxda xisbiga uu ku wargeliyay ka shaqeynta tartanka lagu soo dooran doono hoggaamiyaha cusub ee xisbiga Liberal-ka. Howlaha baarlamanka Canada ayaa hakad la geliyay ilaa 24-ka bisha March ee sanadkan.
Haddaba, wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Faysal Xasan oo horey u soo noqday xildhibaan ka tirsan baarlamanka gobolka Ontario ee dalka Canada, ugu horreyna waxa wax ka waydiiyay qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan dalkaasi.
Madal