Gaza —
Xabbad joojintii Israa'iil ee Lubnaan iyo Gaza ayaa caqabado ay ka horyimaadeen Axaddii shalay.
Lubnaan, wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa sheegtay in 22 qof ay ku dhinteen markii ay isku dayeen in ay gaaraan tuulooyinka u dhow xudduudda Israa’iil, ka dib markii ay ciidamada Israa’iil rasaas ku fureen.
Dhinaca magaalada Gaza, kumannaan Falastiiniyiin ah oo sugayay inay guryahooda ku laabtaan ayaa laga horjoogsaday. Linda Gradstein oo VOA uga soo waranta magaalada Jerusalem ayaa warbixintan inoo soo dirtay. Waxaa inoo soo jeedinaysa Caasha Ibraahim Aaden.
Madal