Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Congo oo maxkamadeyneysa askar kasoo carartay Kivu


Xafiiska Dacwad-oogista Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Congo ayaa Axaddii sheegay in maanta oo Isniin ah maxkamad lasoo taagayo ilaa 75 askari oo lagu eedeeyay inay ka carareen dagaalka gobollada bari ee dalkaasi.

Askartan ayaa lagu eedeeyay inay isaga soo baxeen furimaha hore wax yar ka hor inta aysan fallaagada M23 la wareegin gacan-ku-haynta deegaanno dhowr ah oo ku yaalla gobolka hodanka ku ah macdanta ee Kivu ee bariga Congo.

75-ka askari ee wajahaya maxkamadeynta ayaa la xiray iyagoo ka cararay jiidda hore ee dagaalka kadib qabsashadii deegaanka Nyabibwe. Waxaa lagu eedeeyay kufsi, dil, bililiqo, iyo kacdoon, sida uu sheegay xafiiska dacwad-oogaha militariga oo la hadlay Reuters.

Qaramada Midoobay ayaa ku warrantay in magaalada Goma, caasimadda gobolka Kivu, ay ka dhaceen gaboodfallo dhowr ah oo ay ku jiraan dil-wadareed, kufsi-wadareed, addoonsi galmo, iyo xadgudubyo kale oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, kuwaas oo ka dhacay gobolka Kivu, gaar ahaan magaalada Goma.

Dagaalyahannada M23, ciidanka dowladda Congo, iyo malleeshiyaadka taageersan dowladda ayaa dhammaantood lug ku lahaa gaboodfalladan, sida uu sheegay xafiiska xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay.

Madal

XS
SM
MD
LG