Kooxda Philadelphia Eagles ayaa xalay si cajiib ah ugu guuleysatay koobka Super Bowl-ka ee ciyaarta kubadda cagta Mareykanka, kaddib markii ay 40-22 uga adkaatay kooxda horyaalka difaacaneysay ee Kansas City Chiefs.
Kooxda Chiefs ayaa si weyn loogu saadaalinayay inay guuleysan doonto, maadaama ay horey u qaadeen shan jeer lixdii final ee ugu dambeysay, halka kooxda Eagles ay hanteen labadii final ee ugu dambeysay.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Caesars Superdome ee magaalada New Orleans, ayaa waxaa daawashadeeda ka qeyb galay Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee Mareykan ah ee ka qeybgala daawashada finalka ciyaarta Super Bowl-ka.
Dadkii shaashadaha ka daawanayay waxaa ka mid ahaa wariyaha VOA-da ee Minnesota, Maxamuud Mascadde, waxaana khadka telefoonka ku wareystay Cabdulqaadir Samakaab oo ku sugan Washington.
Madal