Xamaas iyo Israa'iil ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis lagu sii deynayo 10 ka mid ah Israa’iiliyiinta lagu haysto Gaza, kuwaas oo afar ka mid ah ay dhinteen, balse meydkooda la siin doono Israa’iil.
33 Israa’iili ah ayaa lagu waday in lagu sii daayo wejigii koowaad ee xabbad-joojinta ee Gaza, kaas oo dhaqan galay bishii hore. Illaa hadda, 19 la-hayste ayaa la sii daayay, waxaana lagu beddelay in ka badan 1,100 maxbuus oo Falastiini ah.
Israa’iil waxay sheegtay in afar iyo toban qof oo ka haray kuwa la sii deynayo, ay sideed ka mid ah dhinteen.
Khalil al-Hayya, oo ka mid ah madaxda ugu sarreeya guddiga Xamaas u qaabilsan wada-xaajoodyada, ayaa hadal laga sii daayay telefishinka ku sheegay in Xamaas go’aansatay in la sii daayo Sabtida, oo bisha Febraayo tahay 22-ka, kuwaas oo qeyb ka ah intii lagu heshiiyay wajiga koowaad ee heshiiska.
Madal