Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Rubio iyo Lavrov oo ku kulmay Riyadh


Diblamaasiyiinta sare ee Mareykanka iyo kuwa Sacuudiga oo ku kulmay Riyadh
Diblamaasiyiinta sare ee Mareykanka iyo kuwa Sacuudiga oo ku kulmay Riyadh

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, ayaa Talaadadii sheegay in Maraykanku uu ka shaqeynayo sidii loo heli lahaa "xal cadaalad ah oo waara" si loo soo afjaro dagaalka saddexda sano jirsaday ee Ruushku ku hayo Ukraine.

Rubio ayaase sheegay in ay lagama maarmaan tahay in Moscow iyo Kyiv ay la yimaadaan tanaasul si loo gaaro nabad.

Hadalka Rubio ayaa yimid kaddib markii uu Talaadadii shalay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga kula kulmay dhiggiisa Ruushka, Sergey Lavrov.

Kulankaasi ayaa noqday kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay Maraykanka iyo Ruushka yeeshaan si ay uga wada hadlaan sidii loo soo afjari lahaa colaadda Ruushka iyo Ukraine, iyo hagaajinta xiriirka Washington iyo Moscow.

Rubio ayaa sheegay in uu "ku qancay" in Moscow ay diyaar u tahay in ay gasho "hannaan dhab ah" oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Lavrov ayaa isna muujiyay aragti la mid ah, isaga oo sheegay in aysan kaliya is dhageysan isaga iyo Rubio, balse ay midba midka kale maqlay.

"Waxaan haystaa sabab aan ku rumaysto in dhinaca Maraykanku ay bilaabeen inay si fiican u fahmaan mowqifkeenna," ayuu yiri.

Maraykanka iyo Ruushka ayaa ku heshiiyay in ay magacaabaan guddiyo heer sare ah si ay u bilaabaan hannaanka lagu soo afjarayo colaadda Ukraine sida ugu dhakhsaha badan.

Dagaalka Ukraine iyo Ruushka oo billowday muddo ku dhow saddex sano, ayaa waxaa ku dhintay tobannaan kun oo isugu jira ciidamada Ruushka iyo Ukraine iyo dad rayid ah oo reer Ukraine ah.

Dagaalkan ayaa noqday kii ugu xumaa ee ka dhaca Yurub tan iyo wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Madal

XS
SM
MD
LG