Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Mucallim Fiqi, oo kulamo ku leh magaalada Washington DC, ayaa nagu soo booqday xarunta VOA.
Wareysi dheer oo aan Wasiirka la yeelanay, ayaan wax ka weydiinay arrimo ay ka mid yihiin: hakinta gargaarka Mareykanka ee Soomaaliya, doorka dowladda ee dagaalka ay Puntland kula jirto Daacish, xiriirka dowladda federaalka iyo Imaaraadka, arrimaha doorashada, joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, arrinta Somaliland, iyo arrimo kale oo la xiriira xaaladda dalka.
Fiqi ayaan sidoo kale wax ka weydiinay warar sheegaya in dowladda ay Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, u diidday warqad uu uga baahnaa si uu ugu safro dalka Koonfur Afrika iyo guud ahaan culeysyada ay sheeganayaan mucaaradka dowladda.
Madal