Dowladda Somalia ayaa sheegtay inay saameyn ay yeellan doonta hakinta uu Maraykanku uu hakiyay taageerrada militari iyo gargaar ee Somalia uu siiyo. Wasiirka Arr. Dibedda Somalia, Axmed Macallin Fiqi oo VOA ay wareysatay ayaa sheegay in Somalia ay ku qasbanaan doonto inay buuxiso kaalinta uu Maraykanku banneeynayo. Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale ku sheegay in Somalia ay doonayso inay dhex-dhexaadiso dhinacyada isku haya colaadda dalka Sudan.
Fiqi wuxuu wareysiga VOA dhinaca kale uga hadlay xiriirka Somalia iyo Imaaraatdka, iyo waliba doorashooyinka Somalia.
Falastin Axmed Iman ayaa wasiir Fiqi ku wareysatay xarunta VOA ee Washington DC oo uu nagu soo booqday.
Madal