Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mucaaradka oo ku guuleystay doorashadii Jarmalka


Friedrich Merz (AP)
Friedrich Merz (AP)

Hoggaamiyaha xisbiga muxaafidka ah ee Jarmalka Friedrich Merz, ayaa Axaddii shalay guul aan weyneyn kasoo hooyay doorashadii qaran ee dalkaasi ka dhacday, laakiin xisbiga midigta fog ee Baddalka Jarmalka ayaa soo hooyay guushii ugu weyneyd tan iyo Dagaalkii Labaad ee Dunida.

Hoggaamiyaha kursiga kasii degaya Olaf Scholz ayaa qirtay in xisbigiisa bidix-dhexe ee Social Democrats uu doorashada kala laabtay natiijo qaraar. Natiijooyinka hordhaca ahaa ee xalay ayaa muujiyay in xisbiga hadda talada haya uu u dhaadhacay kaalinta saddexaad.

Saadaasha iyo natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujiyay in xisbiga muxaafidka ah ee midoobay ee CDU/CSU uu helay 28.5%, waxaa ku soo xiga xisbiga lidka ku ah soo galootiga ee loo soo gaabsho AfD, kaas oo keenay 20.5%. Halka xisbiga talada kasii degaya ee Social Democrats-ka uu codbixinta ka helay 16%.

Waa natiijadii ugu hooseysay ee uu xisbigan doorashooyinka Jarmalka kasoo hooyo tan iyo wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Dunida, markaas oo uu helay codad dhan 20.5%.

Ninka la filayo in uu noqdo hoggaamiyaha cusub ee Jarmalka Friedrich Merz, ayaa sheegay in uu 20-ka bisha Maarso soo dhisi doono dowlad wadaag ah, hase yeeshee waxaa loo badinayaa in uu la kulmi doono caqabado dhowr ah.

Jarmalka ayaa ah dalka ugu dadka badan Midowga Yurub, waana mid ka mid ah dowladaha ugu awoodda badan Isbahaysiga NATO. Waxaa ku nool 84 milyan oo qof. Sidoo kale waa waddanka ugu dhaqaalaha wanaagsan dalalka ku jira Midowga Yurub.

Madal

XS
SM
MD
LG